skip to Main Content

DEG DEG: BF oo ansixiyay ku laabashada miisaaniyadda 2023

Muqdisho (Boundless media) – Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda.

Doodda miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka oo maalmihii dambe ka socotay Golaha ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyay ku laabashadeeda 169 Xildhibaan.

Sidoo kale waxaa diiday 1 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in talooyinka iyo soo jeedimaha warbixintaas ku jiray ay sidaas ansax ku yihiin oo ay ku jiraan miisaaniyadda la ansixiyay, sida uu sheegay.

“Waxaa rabaa in aan si gaar ah uga mahdceliyo guddiga maaliyadda ee wadajirka ah iyo hoggaankoooda ee dadaalka u galiyeen muddadii miisaaniyada ku noqoshada gacantooda ku jirtay oo ay u kala kicin har iyo habeen, oo waqtiga aan haysanay uu aad ciriiri u ahaa.”

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top