Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay degmada qoryooley ee shabeelaha hoose
By isxaaq Rashid Xaalada degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose ayaa degan ka dib markii uu halkaas daagaal uu ku dhexmaray Ciidamada dawlada Federaalka oo kaashanaya kuwa degaanka iyo AS
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac ee soo kala gaaray dhinacyada ku dagaalamay degmadaas sida ay warbaahinta Boundless u sheegeen goob joogaayaaal.
Dhinaca kale, Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka shabeelaada Hoose.
Qoraal ay lagu baahiyay warbaaahinta dawlada ayaa looga hadlay khasaaraha ka dhashay dgaalka xalay ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose.
Dawlada Federaalka ayaa sheegtay In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan AS lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ka danbeeyay ka dib markii AS ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmadaan Qoryoolay.
Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireenAS .
This Post Has 0 Comments