Skip to content

Howlgalo xoogan oo ciidamada dowladda ka wadaan gobolka hiiraan

by isxaaq Rashiid Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo xoogan waxaa ay weli ka wadaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihyiin Xubno katirsan AS

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gor-gor, iyaga oo howlgalka ku gaaray degaano kuyaalla Jiinka Wabiga ilaa Waqooyiga Degmada Buula Barde Ee Gobolka Hiiran.

Taliyaha Ururka 8aad Guutada 18aad ee Gorgor Mohamed Ali Hilowle {Hadlaaye} oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaano kuyaalla Koonfurta Gobolka Hiiraan, isla markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada.

Wuxuu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta AS ay ka xoreeynayaan Guud ahaan gobolka Hiiraan, kadIbna ay u tallaabi doonan degaannada kale ee dalka

Maalmihii la soo dhaafay waxaa hakaday howlgalladii ka dhanka ahaa AS oo ay kal hore billaawday dowladda Soomaaliya, iyada oo Madaxda dowladda ay marwalba sheeg sheegaan in ay dib u billaabi doonaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top