skip to Main Content

Sawirro: Aadan Madoobe oo gaaray Baydhaba iyo qorshe xasaasi ah oo socda

By Abdinajib abdullahi

Baydhabo (Boundless media) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu socdaalkiisa magaalada Baydhabo ku qotomo daah-furka Shirka Alif Maayga.

Hase yeeshe, socdaalka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Boundless media,Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa qayb ka noqonaya dhoola-tus siyaasadeed oo uu shalay magaalada Baydhabo ka sameeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen oo magaaladaas isugu geeyay inta badan xildhibaanada labada Gole ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhabo ee u dhaxeeya xildhibaanada iyo madaxweyne Lafta-gareen, kuwaasi oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono Lafta-gareen, si ay isaga xog wareystaan xaaladaha soo kordhay.

Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaasi oo uu Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi.

Waxay kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira tuhun weyn oo laga muujinayo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Koonfur Galbeed, ayada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in ajendayaasha laga wada-hadlayo uu qayb ka yahay wax ka beddelka dastuurka oo uu haatan olole xoogan ugu jiro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top