By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Maalinta June 16 ayaa laga dhigay fasax qaran
Ridwan Ali
Gudoomiyaha Gobalka Maine ayaa saxeexday maalintii khamiistii inay June 19-da ay tahay maalin fasax qaran ah.
Sanadkan waxaa loo dabaal dagayaa sanad-guuradii 156-aad ee Juneteenth, halkaasna loo dabaal dagayaa xorriyaddii ragii, dumarkii iyo ciyaalkii danbeeyay ee lagu haysto adoonsiga dalka maraykanka.
Bishii June 19-dii, 1865 askar midow ah ayaa imaaday magaalada Galveston ee gobalka Texas, halkaas ay dadkii madowga ee magaaladaas ay ogaadeen adoonsigii la joojiyay labo sano kadib markii Abraham Lincoln uu saxeexay xorayta adoomada madowga.
Maine way aqoon Sanaayeen maalintaas halkaas oo LaPage Gudoomiyaha govalka ee hore uu saxeexay lakin maysan ahayn fasax qaran.
Fasaxaas, oo sidoo kale looyaqaan maalinta xoriyada, ayaa si rasmi ah looga dabaaldagay sanadkii xigay ee 1866 gobalka Texas. Markiiba wuxuu ku faafay gobolo kale oo si qaran looga xuso ilaa sanadkaan.