skip to Main Content

Booliska Portland ayaa xidhay tuhmanihii la raadinayay

Booliska Portland ayaa xiray tuhmane kadib weeraradii ka dhacay xaafada Bayside subaxnimadii Jumcada.

Goob joogayaal ayaa u yeedhay sarakiishii una sheegay in dhibane mindi la galiyay halkaasna loqaaday dhibanaha dhakhtarka kuyaala magaalada Portland ee Maine Medical Center.

Booliska Portland ayaa raadinayay tuhmanaha markii ay kasoo horbaxeen tuhmane qofkale dhibaato u gaysanaya halkaas na lagu xiray.

Police ayaa ka helay tuhmanaha mindi halkaasna lagu ogaaday inuu ahaa ninkii ka danbeeyay baadhunkii ay wadeen.

Joshua Rezendes 36-jir ah ayaa lagu oogay labo qodob oo danbi ah halkaasna loo qaaday xabsiga Cumberland County Jail.

Xaafada Bayside ayaa waxaa ka dhacay saddex weerar lagu qaaday dumarka ku nool magaalada Portland isbuucyadii lasoo dhaafay.

Rezendes ayaa la sheegay inuu gacan ka hadal muujiyay sanadkii 2017-kii halkaasna lagu xukumay hal sano, shan biloood kale lagu ku xukumay sanadkii la soo dhaafay halka bishii sideedad lagu xidhay todobo cisho markuu an shaxumo ragu arkay.

Waa hagaag walaalayaal halkan kala soco wixii soo kordha.

Back To Top