By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Dhulgariir cusub oo ku dhuftay Magaalo ku taalla bariga dalka Turkiga (Sawirro)
By abdinajib abdullahi
Turki(Boundless media)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 5.6 uu ku dhuftay bariga dalka Turkiga ee Malatya, todobaadyo ka dib markii laba dhul gariir oo waaweyn ay gilgileen gobolka, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.
Dad gaaraya 69 kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhulgariirkan u dambeeyey sida uu sheegay Yunus Sezer, oo ah madaxa madaxtooyadda Maareynta Masiibooyinka (AFAD).
Dhulgariirku wuxuu dhacay 12.04 p.m. waqtiga maxaliga ah (0904GMT) waxayna xudduntiisu ahayd meel 6.96 kiiloomitir (4.32 mayl) ka hoosaysa oogada degmada Yesilyurt.
Dhulgariirka ayaa sidoo kale laga dareemay gobolada deriska la ah ee Kahramanmaras, Gaziantep, Adiyaman, iyo Sanliurfa.
“Dhismayaasha qaar ayaa ku burburay dhulgariirka. Kooxaha goobidda iyo samatabbixinta ayaa loo diray aagga musiibada,” AFAD ayaa ku tiri bogga Twitter-ka.
Hay’adda maaraynta masiibooyinka ayaa uga digtay muwaadiniinta inay galaan dhismayaasha burburay, waxaanay ka codsatay inay ka fogaadaan dhismayaasha halista ah ee gobolka.
Dhulgariirkan ayaa yimid iyadoo Turkiga uu sii wado la tacaalidda dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii mataanaha ahaa ee 6-dii bishii February ka dhacay gobolka koonfureed ee dalkaasi.
Ugu yaraan 44,374 qof ayaa ku dhintay dhulgariirradaas oo cabbirkooda kal ahaa 7.7 iyo 7.6.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media