skip to Main Content

Wetangula oo cambaareeyay go’aan ay maxkamadda sare ka soo saartay bulshada LGBTQ ee Kenya

by abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)-Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa cambaareeyay go’aan ay maxkamadda sare ee wadanka ee Supreme Court ka soo saartay dadka isku jinsiga ah ee wax iska daydaya iyo labeebka ee loo yaqaano LGBTQ.
Maxkamadda sare ee wadanka ayaa maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii hore go’aamisay in kenyaanka isku jinsiga ah ee wax iska daydaya ay sameysan karaan ururro aan dowli ahayn oo u dooda xuquuqdooda.
Hasa ahaate afhayeenka golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetang’ula ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku xusay in wadanka Kenya uu yahay dal ku qotoma diintiisa.
Waxaa uu ugu baaqay hay’adaha dowliga ah inay waajib ka saaran tahay, difaacidda iyo ilaalinta anshaxa guud.
Wetangula ayaa intaasi ku daray in go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saartay arrinkan uu dalka u horseedi karo cawaaqib xumo aan loo baahnayn islamarkaana aan waxtar lahayn.
Waxaa sidoo kale go’aanka maxkamadda cambareeyay madaxda kaniisadaha ee dalka, iyagoo sheegay in xukunka Supreme Court uu ka hor imaanayo sharciyada jira.
Xukunka maxkamadda ayay ku tilmaameen mid ka soo horjeedo caadooyinka dhaqameed ee wanaagsan ee qaaradda Afrika.
Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu iyo garsoorayaasha maxkamadda sare ee kala ah Smokin Wanjala, Njoki Ndung’u ayaa go’aamiyay in bulshada LGBTQ ay sameysan karaan urur aan dowli ahayn oo xuquuqdooda u dooda.
Hasa ahaate waxaa go’aankan ka hor yimid garsoorayaasha maxkamadda sare ee kala ah Maxamad Ibrahim iyo William Ouko, iyagoo sheegay in LGBTQ ay urur gaar ah sameysan karin.
Waxaa Kenya sharci darro ka ah in dadka isku jinsiga ah ay wax iska daydayaan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top