skip to Main Content

Afghanistan oo la sheegay inay ka jiraan dhibaatooyinka baniaadannimo ee ugu daran dunida

By Abdinajib Abdullahi 

afghanistan(Boundless media)
Hay’adda dabagalka ku sameysa xaqiijinta xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dhibaatooyinka baniaadannimo ee ugu daran caalamka ay ka jiraan dalka Afghanistan.
Waxaa xaaladaha kuwo cakiran ka sii dhigay amarkii ka soo baxay maamulka Taalibaan ee ay ku mamnuuceen in haweenka ay ka shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn.
Warbixinta hay’adda waxaa ku cad in saddex meelood labo meel tirada shacabka ee ku nool wadanka Afghanistan ay haysato cunno yari.
Sidoo kale warbixinta ayaa tilmaamaysa in 875,000 oo carruur ah ay wajahayaan nafaqo darro.
Haweenka iyo gabdhaha yaryar ayaa wajahaya halista ugu badan sida ay sheegtay Human Rights Watch.
Stephane Dujarric, oo ah afhayeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in howlahooda gudaha Afghanistan aan lagu bixin maalgelin ku filan.
Bangiga adduunka ayaa horay u sheegay in Afghanistan ay ka mid tahay toddobo waddan oo ay ka jirto dhibaatada ugu daran ee dhanka cunno yarida.
Dalalka kale ee ay caqabadahan ka taagan yihiin ayaa kala ah Burkina Faso, Haiti, Nigeria, Somalia, Suudaanta Koonfureed iyo Yemen.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 28 milyan oo qof , in ka badan 15 milyan oo ka mid ahna ay carruur yihiin kuwaasoo ku nool gudaha dalka Afghanistan ay sanadkan u baahan yihiin caawimaad baniaadannimo iyo badbaadin.
Tiradan ayaa tan iyo sanadkii hore waxaa ku kordhay 4 milyan.
Tani iyo markii ay Taalibaan la wareegtay hoggaanka Afghanistan sanadkii 2021, waxaan weli soo kaban dhaqaalaha dalkaasi iyadoo malaayiin qof ay macluul qarka u saaran yihiin.

 

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top