skip to Main Content

Afhayeenka Farmaajo oo ku dhowaaqay inay kala tageen Cali Yare iyo Nabad iyo Nolol

by Abdinajib Abdullahi

Muqdisho (Boundless media) –Warsaxaafadeed kasoo baxay kooxda Nabad iyo Nolol oo ah taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu sheegay inuu xisbiga isaga baxay siyaasiga caanka ee Cali Yare Cali oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.

Warkan oo uu soo saaray Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah afhayeenkii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Cali Yare uu is kiis uga baxay Nabad iyo Nolol, isla-markaana uu ku biiray dhinacyada kale ee siyaasadeed.

“Waxaan cid walba oo ay khusayso la wadaagaynaa in Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) uu waqti hore go’aan isaga ka soo fuley oo uu si iskiis ah u go’aansaday in uu ka baxo Nabad iyo Nolol, go’aankaasna uu mar hore la wadaagay hoggaanka Nabad iyo Nolol, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo dhinacyo kale oo siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay Nabad iyo Nolol shaaca ka qaaday in wararka uu haatan baahiyo Cali Yarey aysan quseyn kooxdooda, isla-markaana ay tahay afkaar isaga gaar u ah.

“Sidaas darteed waxaan cid walba u xaqiijinaynaa in afkaarta uu la wadaago dadweynaha ay yihiin kuwo isaga u gaar ah oo wixii hada ka danbeeya aysan ahayn fikrado lagu matalo Nabad iyo Nolol,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka Nabad iyo Nolol.

Qoraalka ayaa gabagabadii lagu shaaciyay farriin uu taageerayaashiisa u diray madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Farmaajo, taas oo lagu sheegay in ka shaqeeyaan midnimada iyo wadaniyadda.

“Ugu danbayn, waxa uu hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u mahad celinayaa dhammaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol oo marwalba heegan u ah in ay adkeeyaan mabaadida aan u taaganahay ee ay ugu horayso wadaniyadda (Patriotism), isaga oo ku dhiiri galiyey in ay marwalba adkeeyaan midnimadooda” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Nabad iyo Nolol.
Muddooyinkii u dambeeyay Cali Yare Cali ayaa qoraallo xasaasi ah ku baahinayay baraha bulshada wuxuu qaarkood si toos ah ugu weeraray xubno kamid ah Nabad iyo Nolol, sida Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen guul-darrada doorashii u dambeysay kasoo gaartay madaxweyne Maxamed Farmaajo.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top