Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Agasimihii maamulka shirkada biyaha ee Garissa oo xabsiga loo taxaabay
By Ayanle Dhiire
Agaasimaha maamulka shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee GAWASCO oo saaka maxkamad la soo taagi doono
Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay agaasimaha maamulka shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee magaalada Garissa ee Gawasco Dolaal Maxamad, ka dib markii uu ka been sheegay shahaadiisa dugsiga sare ee KCSE.
Baaritaano la sameeyay ayaa lagu ogaaday in buundada uu helay mas’uulkan ay ahayd D ee imtixaankii KCSE-da ee uu sameeyay sanadkii 1998-dii.
Hasa ahaate uu sameystay shahaado been abuur ah oo bundada C+.
Eedeysanaha oo adeegsanaaya shahaadada KCSE-da ee been abuurka ah ayaa shahadada Diploma ee xiriirka dadweynaha ka qaatay jaamacadda Nairobi ka hor inta uusan markii dambe shahaadada koowaad Degree ee daraasaadka horumarinta ka qaadan Jaamacadda Mt. Kenya.
Mas’uulkan oo xalay ku hoyday saldhigga booliiska ee magaalada Garissa ayaa lagu wadaa in maanta sagaalka subaxnimo ka soo hormuuqdo maxkam
This Post Has 0 Comments