skip to Main Content

Ethiopia oo ka jawaabtay hanjabaaddii Al-Siisi

Addis Ababa (Boundless media) – Dowladda Ethiopia ayaa markii u horeysay ka hadashay digniintii uu shalay u diray madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi, taasi oo uu ku sheegay in Soomaaliya ay difaacayaan, haddii ay Itoobiya ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday.

Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Ammaanka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si aan toos aheyn uga jawaabay hadalka Al-Siisi, isagoo sheegay in Masar ay Soomaaliya jaceyl u hayn, ayna arrintaan iskugu soo tuurtay cadaawada kala dhaxeysa Ethiopia, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid aan u adeegayn amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo ku af gobaadsaday in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid sii xoogaysanaya, “Masiirkeenu waa mid isku xiran oo aan la kala maarmin.”

“Heshiiska is-afgarad ee Somaliland aan la saxiixanay waa heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi oo Ethiopia u sahlaya inay hesho badda marka loo eego dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri Redwan oo hoos u dhigaya xad-gudubka ay ku kacday dowladdiisa.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalalka qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin intii ay jirtay baahi weyn ayaa isku dayaya inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah, laakiin waxaa cad in waxa ku kalifaya in aysan ahayn Soomaaliya balse ay tahay cadaawada u qabaan Itoobiya.”

Dowladda Masar ayaa si weyn garab istaag ugu muujisay Soomaaliya kadib xad-gudubka Itoobiya, oo ah cadowga koowaad ee Masar. Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa shalay luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy, isagoo digniin u muuqatay kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaas, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top