skip to Main Content

AMISOM oo ciidamo horleh ka dejisay Muqdisho

By Abdinajib abdullahi

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray Ciidamo ka tirsan booliska howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaas oo ka socda waddanka Ghana.
Ciidamadaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 113 Askari ayaa muddo hal sano ah joogi doona Soomaaliya, iyaga oo ka qeyb qaadan doona dhismaha tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed & sugidda amniga doorashooyinka ka bilaabanaya dalka Soomaaliya.
Ciidamada ka socda Booliska AMISOM ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Booliska AMISOM, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (AIGP) Augustine Magnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda Hoggaanka Booliska AMISOM.
Ciidamadan ka socda wadanka Ghana ee ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa ku biiray 47 askari oo hora u joogay Soomaaliya, waxaana dhamaantood ay ka howlgeli doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top