skip to Main Content

Madaxweynaha dalka kenya oo saxiixay saddex hindise sharciyeed

By Abdinajib Abdullahi

Madaxweynaha dalka kenya Mr.Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay ilaa saddex hindise sharciyeed oo uu u soo gudbiyay baarlamaanka.
Shuruucdan ayaa ku saabsan qaxootiga , adeegga dibadda iyo isbeddel lagu sameeyay xeerarka la wareegidda talada dalka.
Xeerka arrimaha qaxootiga oo uu horay madaxweyne Kenyatta dib ugu celiyay baarlamaanka ayaa mar kale lagu wareejiyay waxaa uuna xoojinayaa maareynta qaxootiga iyadoo la adeegsanayo shuruuc caalami ah.
Xeerka labaad ayaa ah mid ku saabsan in la soo dhiso akadeemiyada adeegga dibadeed iyo qodobbo kale oo lagu wanaajinayo xiriirka ay Kenya la leedahay wadamada kale ee caalamka.
Xeerka saddexaad ee uu maanta saxiixay Mr. Kenyatta ayaa waxaa baarlamaanka hor geeyay mudanaha deegaanka Homa Bay Town Peter Kaluma waxaana looga gol-leeyahay in la isku duba rido qaab loola kala wareegayo talada dalka marka uu dhamaado muddo xileedka mas’uulka hoggaanka haya.
Madasha uu madaxweynaha dalka ku saxiixayay xeerarkan waxaa goobjoog ka ahaa madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua, guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi, karaaniga golaha qaran ee xeer dejinta Michael Sialai, qareenka dowladda Ken Ogeto iyo ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Njee Muturi.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top