Skip to content

AS oo madaafic ku garaacay deeganka Ceel lahelay

  1. By isxaaq Rashiid AS  ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay ee gobalka Galgaduud, oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Saraakiil ka tirsan ciidamada, oo ku sugan Ceel-Lahelay, ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii  ay AS  kusoo rideen deegaanka.

 

 

AS oo sheegatay weerarkan, ayaa sheegtay inay ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay kaga sugan yihiin halkaas. Shabaab ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaan weli ka hadal weerarka ay sheegteen AS

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib kormeer ay shalay isaga iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ku tageen deegaanada Ceel-Lahelay iyo Ceelgaras.

Qoor Qoor ayaa waxaa safarka Ceelgaras, oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top