skip to Main Content

Falcelin xoogan oo ka dhalatay go’aanka mucaaradka Koonfur Galbeed

Nairobi (Boundless media) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii mucaaradka Koonfur Galbeed ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan ka qayb-galay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed waxaana looga hadlay doorashada maamulkaas iyo dagaalka Shabaab.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in madaxweyne Laftagareen uusan diyaar u ahayn doorasho, sidoo kalena uu ka gaabiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale

Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka mucaaradka Koonfur Galbeed?

Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa teegeeray war murtiyeedka mucaaradka, wuxuuna sheegay inuu kusoo aaday xilli loo baahnaa, wuxuuna ku eedeeyay maamulka hada jira inuu sidiisaba gaabiyay.

‘Waxaan u arkaa war murtiyeed tafaftiran oo waaqici ah, kana hadlaayo waxyaabaha maanta jira haddii ay ahaan lahayd dib u xoreynta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dhulka dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasadda murugsan ee K/Galbeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu ka baxay heshiiskii horay loo galay ee ku aadanaa in doorashada la guda galao, iyada oo lagu bilaabayo soo xulista xildhibaanada.

“Waxaan caddeyneynaa in Laftagareen uu ka baxay heshiisyo uu horay ula gaaray mucaradka, doorasho marabo ninkaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu yiri “Cabdicasiis wuxuu ka shaqeeyay maja-xaabintii fikirkii iyo dadaalka madaxweynaha JFS ee lagu xoreynaayay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed” .

Dhankiisa Cabdisataar Xasan Cali oo kamid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay tallaabada mucaaradka, wuxuuna sheegay in war murtiyeedka ay soo saareen uu caqabad ku yahay dagaalka haatan ka socda gudaha dalka.

“Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu xagal daacinayaa War-murtiyeedka kasoo baxay shirka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta KGS ee magaalada Nairobi” ayuu yiri Cabdisataar.

Sidoo kale Cabdisataar ayaa yiri “Waxaan tuhunsanahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu kamid yahay dadka abuuraayo xaaladdaas si dagaalka Al-Shabaab la’isaga dhaafo”.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top