skip to Main Content

AS Weerar ku qaaday degmada Xawaadleey ee gobolka Sh/ Dhexe

By isxaaq Rashiid Wararka  ka imaanaya gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Xubno ka Tirsan Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen degmada Xawaadleey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah.

Alshabaab ayaa Weerarka ku qaaday qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka  ay leeyihiin iyo sidoo lale Saldhiga ATMIS ay ka degan yihiin degmada  Xawaadley  ee gobolka shabeelada Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay inay qarxiyaan oo miino ay ku xiraan  buunadada degmadaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka shacabka ah, balse waa laga hortegay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dashay Weerarka Alshabaab ay ku qaadeen degmada Xawaadleey rr gobolka shabeelada Dhexe.

Laba Xidigle Cali Cabdulaahi Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciiodanka Xoogga dalka ee  ku sugan degmada Xawaadley ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dagaal;ka waxaana uu sheegay  Kooxda soo weerartay Xawaadleey ee Alshabaab ay iska caabiyeen islamarkaana ay ka saareen degmadaasi.

Hase ‘ahaaree’ Xaalada Degmada Xawaadleey ataa haaran degan waxaana socda Hawlgalo Amaanka lagu xaqiijinayo ay iska kaashanayaan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee loo yaqaano Afjar.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top