skip to Main Content

Askar badan oo lagu dilay QARAXII Kuliyadda Jaalle Siyaad

by Abdinajib Abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalaa Muqdisho, kaas oo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha Xeradaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qoys soo xirtay jaakadda qaraxyada, isla-markaana ku sugnaa gudaha, kaas oo beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada caasimada ah ee Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba, si ay uga qayb qaataan howlgallada socda.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu ku jireen saf dheer, taas oo keentay in meesha uu ka dhasho khasaare xoogleh.

Sida ay ogaatay Boundless media qofka is qarxiyay ayaa kamid ahaa dadka ku sugnaa xerada mana cada sida ay ugu suuragashay weerarkan oo lagu beesaday xero muhiim ah.

Saraakiil amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 30 askari, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa gudaha xerada.

Xaaladda ayaa weli qasan, waxaana sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xeradan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale taliyaha ciidanka guutada 14-ka October, Cabdiraxiin Muunye oo u warramay warbaahinta gudaha ayaa shaki xoogleh ka muujiyay qaraxan, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lagala shaqeeyay weerarkan, loona fududeeyay, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xerada Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir oo  dhowrjeer ay qaraxyo ka fulisay halkaas oo lagu tababaro ciidamada.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dmabeeyay ay kooxda Al-Shabaab kordhiyeen howlgallada ay ka fuliyaan Muqdisho oo isgu jiro dilal iyo qaraxyo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top