skip to Main Content

Barasaabka xilka laga qaaday ee ismamulka meru oo Aqalka sare kaso hormuuuqan dono

Barasaabka xilka laga qaaday ee ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza ayaa waxaa dacwaddeeda eegi doono dhammaan senatarrada aqalka sare.

Tani ayaa timid ka dib markii siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ay ku gacan seyreen mooshin ku aaddanaa in la soo dhiso guddi ka kooban 11 xubnood oo baaritaano ku sameeya qaabkii ay wakiillada golaha hoose ee Meru xilka barasaabnimo uga xayuubiyeen Kawira.

Senatarrada taageeray in guddoomiyaha ay ka soo hormuuqato aqalka sare waxaa ka mid ah senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheryiout , dhigiisa Nandi Samson Cherargei, Faadumo Duullo oo ah senatarka Isiolo iyo Veronica Maina oo senate-ka si magacaabid ah ugu biirtay.

Waxay sheegeen in qaabkan uu yahay mid si daahfuran go’aan looga gaari doono isqabqabsiga siyaasadeed ee Meru.

Senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina ayaa aqalka sare hor geeyay mooshin uu ku doonayay in xil ka qaadista barasaabka Meru guddi loo saaro hasa ahaate taasi ayaan meel marin.

Waxaa arrinkan ku taageeray dhigiisa Vihiga Godfrey Osotsi .

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa ugu dambeyn shaaciyay in aqalka sare uu muddo toban cishe gudaheeda ah ku dhageysan doono oo uu go’aan ka soo saari doono xil ka qaadistii Kawira Mwangaza.

Waxaa uu xusay in eedeymaha loo jeediyay barasaabka Meru ay gaarayaan toddobo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii 59 ka mid ah 69-ka xubnood ee golaha hoose ee Meru ay xilka ka xayuubiyeen guddoomiyaha ismaamulkaasi oo ay ku eedeynayaan qof jecleysi, ku tagriifalka kheyraadka dadweynaha, inay ehelladeeda siisay qandaraasyo aynan mudan, dafiraadda amarrada golaha iyo maxkamadda iyo qodobbo kale.

Waxaa horay xil ka qaadis loogu sameeyay ka dibna uu aqalka sare ee dalka ayiday Ferdinand Waititu oo ahaa guddoomiyihii Kiambu iyo dhigiisa Nairobi Mike Sonko.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top