skip to Main Content

Boosaaso: Ciidan gadoodsan oo tallaabo xasaasi ah qaaday

Garoowe (Boundless media) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa maamta xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan jidkaasi muhiimka u ah isku socodka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay muddo laba maalmood ah fadhiyaan degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba uu joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta Boosaaso iyo deegaanada ee Puntland.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo hubeysan ayaa waxay ku eedeyeen maamulka inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Sdioo kale waxaa haatan soconayo dadaallo dheeraad ah oo lagu qanacinayo saraakiisha iyo ciidamada, si ay jidka u furaan, isla markaana u fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan madaxweyne Saciid Deni uu wajahayo xaalad ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo haatan yeeshay waji cusub.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay xirteem bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top