Skip to content

Ciidamada Dawladda oo sameeyay howlgallo culus

By isxaaq Rashiid Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka As

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen  Dhul howd ah oo kuyaalla degaanka Cali Seer oo ku dhawaad 20 km dhanka Bari ka xiga degaanka Ceelhareeri oo hoostaga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen xog ku saabsan inay degaanka Cali Seer iska aruursanayaan Xubno AS  ka tirsan si ay weeraro u fuliyaan.

Waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Saldhigyadii ay AS ku lahaayeen degaanka Cali Seer, sidoo kalena howlgalka ay kudileen Xubno katirsan wallow aan faah faahin rasmi ah laga helin.

AS  ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay degmada Galcad iyo degaannada hoostaga, halkaas oo kamid ah Goobihii ay Ciidamada dowladda kala wareegeen AS oo muddo tobanaan sano ah Maamulayay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top