skip to Main Content

Dagaal culus oo dib uga qarxay LAASCAANOOD

by Abdinajib Abdullahi 

Laascaanood (Boundless media) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma oo xalay dhanka bari ee duleedka magaalada Laascaanood ee Sool.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo aagga buuraha Hodan iyo Sayidka oo hoostaga Laascaanood oo ay muddo ku dagaalamayaan labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan daryanka hubka culus.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

QM ayaa ku baaqday in Somaliland ay ciidamada ka qaado aagga Laascaanood, sidoo kale is xakameeyaan ciidanka SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top