By Abdinajib Abdullahi Muqdisho (Boundless media) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalintii labaad ka doodaya…
Dagaal culus oo ka socda duleedka LAASCAANOOD
by abdinajib abdullahi
Laascaanood (Boundless media) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.
Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo bariga magaalada Laascaanood oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.
Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.
Sidoo kale khasaareisugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, sida aaanu kasoo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka.
Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.
Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments