skip to Main Content

FAROOLE oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni iyo golaha wakiilada Puntland

by abdinajib abdullahi

Garoowe (Boundless media) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, ahna Senator haatan ka tiran Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo markii ugu horreysay si faahfaasan uga hadlay xiisadda magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha Golaha Wakiilada.

Faroole ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Deni, wuxuuma sheegay inuu horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland, kuna xadgudbay sharciga.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan u wado qar iska tuurnimo, si mar kale loogu doorto hoggaanka sare ee Puntland.

“Madaxweynaha isaga oo sanadkii hore ogolaansho ka heysan Golaha Wakiilada, isna casilin ayuu isa sharaxay, una tartamay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u dhaartay inuu 5 sano joogayo oo uu xukunka heynayo” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Damac kale ayaa ku dhashay madaxweynaha wuxuuna isku dayay inuu xoogo system-ka oo dhan oo magaca dimuquraadiyadda fure ka dhigto oo si isugu sameytay lagu doorto.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dastuurka Puntland, isaga oo tilmaamay in aan xiligan la furi karin, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay tirakoob iyo afti dadweyne.

“Dastuurka sidiisa lama furi karo dastuurkan waa xeer qaran dadbaa ku heshiiyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senetor Faroole.

Ugu dambeyn wuxuu dhibaatada dhacday ku eedeeyay inay dhaliyeen xildhibaanada Puntland, wuxuuna sababt ku sheegay inay keeneen arrinta dagaalka sababtay.

“Eedeynta guddoonka Golaha Wakiilada waa sax, maxaa yeelay gacan togaaleyn iyo sharci jebin ayay sameeyeen wayna soo kala hormariyeen, ayada oo laga rabay miisaaniyadda sanadkii hore ayay keeneen waxaan, marka waxay marag ka tahay inay isku milmeen, in labadaas ciidan ay isku dhacaan iyaga ayaa keenay” ayuu mar kale yiri Senataro Faroole.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalda Garoowe oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan labada dhinac.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top