skip to Main Content

Dalkii ugu horreeyay oo kasoo jawaabay baaqi DF, kuna deeqay lacag dhan…

Muqdisho (Boundless media) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq lacageed oo qeyb ka ah gurmadka fataahadaha iyo saameyntii ka dhalatay roobabka ku wareejiya dowladda federaalka Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle lacag dhan 139,318.45 dollar.

Deeqdan lacageed ayaa billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

Safiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagan tahy shacabka Soomaaliyeed ee xaaladdaan adag ku jira, isaga oo sheegay in gargaar iyo taakulo kalana ay dhawaan bilaabi doonaan.

Sidoo kale waxa uu safiirka ka dhawaajiyay in dowladdiisa ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku bur-buray roobabka iyo dhismaha biyo xireenna, xilli dowladda federaalka ay qeylo dhaan caalami ah kasoo saartay xaaladda taagan.

Guddoomiyaha hay’adda SODMA oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad-celiyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan aheyn markii ugu horreysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah.

Si kastaba, Roobabka iyo fatahaadaha ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira burbur, dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, kaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay gobollada qaar ee dalka.

xaqiiqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top