skip to Main Content

Dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU oo sheegtay in la siyaasadeynaya arrimaha canshuurta

By abdinajib abdullahi

Nairobi (Boundless media)_Dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU qaybteeda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay waxay nasiib darro ku tilmaantay in la siyaasadeynaya lacagaha laga jaraya shaqaalaha si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa bayaanka ku cad in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shaqaalaha oo Axaddii warbaahinta la hadlay aynan ka qayb gelin kulan lala yeeshay madaxweynaha dalka William Ruto.
Xoghayaha guud ee COTU Francis Atwoli ayaa sheegaya inuu dhammaan madaxda ururrada shaqaalaha ee dalka ku casuumay kulanka si looga wada hadlo arrimo ay ka mid tahay qorshaha boqolkiiba 3 ee mushaarka looga jaraya shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan.
Atwoli ayaa hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiin kulankaasi qaadacay ay hadda barnaamijkan ka soo horjeedaan.
Sidoo kale waxaa uu xoghayaha guud ee COTU hoosta ka xarriiqay in madaxda arrinkan dhaliilsan aynan ka qayb gelin xuskii maalinta shaqaalaha ee Labour Day ee 1-dii bishan oo uu hoggaamiyaha dalka ku shaaciyay qorshaha dowladda.
COTU ayaa intaasi ku dartay in lacagaha ah boqolkiiba 3 ee laga jaraya qofka shaqeeya iyo xarunta uu ka howlgalo aynan ahayn canshuur balse uu qofka mustaqbalka guri u gaar ah ku yeelanaya sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in shacabka la marin habaabiyo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top