skip to Main Content

Dawlada Kenya oo Hay’adaha aan Dawliga Ahyn ka codsatay in Ay shaaciyaan ilohooda Dhaqaale!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)Nairobi

Dowladda dhexe ayaa hay’adaha aanan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs-yada ka dalbatay inay shaaciyaan halka ay ka helaan dhaqaalaha ay ku maalgeliyaan howlahooda.
Waxaa sidoo kale hay’adahan laga doonaya inay sanad waliba maamulka KRA u gudbiyaan warbixin ku saabsan bixinta canshuurta.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada uu isbeheysiga Kenya Kwanza meesha uga saaraya dulduleellada dhanka maaliyadda ee jira.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka dib markii ay soo baxday in sanadkii hore keliya boqolkiiba 30 ee 12,162 oo ah hay’adaha NGOs-yada ee ka diiwaangashan gudaha wadanka ay maamulka canshuuraha ee KRA la wadaageen warbixinta sanadlaha ee laga doonayay.
Omollo ayaa xusay in aan la aqbali karin heerka aadka u hooseeya ee u hoggaansanaan la’aanta canshuuraha ee hay’adaha aanan dowliga ahayn.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay qasab tahay in ururradan ay noqdaan kuwo daahfuran oo shaaciya ilaha dhaqaale ee ay adeegsadaan.
Warbixinta sanadlaha ee waxqabadka hay’adahan ayaa muujinaysa in sanad maaliyadeedkii hore ay isticmaaleen lacag dhan 185.5 bilyan oo shilin.
Dr. Omollo ayaa dhanka kale hay’adahan ku boorriyay inay mudnaanta koowaad siiyaan mashaariicda horumarineed ee waaxyaha muhiimka ah!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top