Skip to content

Dawlada kenya oo isku khilafsan ciidamo la doonaayo in Dalka Haiti Ay u dirto

By Ayanle Dhiire 

Senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa ku andacooday in madaxweynaha dalka William Ruto uu dano gaar ah ka leeyahay qorshaha ku aadan in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka la geeyo Haiti.
Madaxweyne William Ruto ayaa ku adkeysanaya in Kenya ay sii wadi doonto qorshaha ciidamada booliiska dalka lagu gaynaya wadanka Haiti, inkastoo maxkamadda sare ee dalka ay hor istaagtay qorshahaasi.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen, ayuu senetarka Nairobi sheegay in madaxweyne Ruto oo qorshahaasi uu danihiisa gaarka ah ka eeganaya islamarkaana sida uu hadalka u dhigay dhaqaalo ku raadinaya.
Sifuna ayaa xusay in qorshaha ciidamada booliiska wadanka lagu gaynaya Haiti aysan dani ugu jirin kenyaanka islamarkaana aynan waxbo soo kordhineen.
William Ruto oo xilli uu warramay dhawaan wakaaladda wararka Reuters sheegay in go’aanka maxkamadda sare ugu hor istaagtay in ciidamada booliiska la geeyo Haiti ay racfaan ka qaadanayaan.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Kenya ay horay uga qayb qaadatay sugidda amniga waddamada Suudaanta Koonfureed, Namibia, Croatia, Liberia , Sierra Leone iyo kuwo kale sidaasi awgeedna ay garab siin doonto dalka Haiti oo ay hadda ka jirto amni darro.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay ka go’an tahay gudashada waajibaadka caalamiga ee saaran maadaama ay xubin ka tahay jaaliyado iyo ururrada qaramada dunida.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii golaha amniga qaran uu baarlamaanka ka codsaday inuu ansixiyo tallaabo 1,000 ka mid ah booliiska Kenya lagu geynaya dalka Haiti taasii oo uu golaha qaran ee xeer dejinta meel mariyay.
Dalka Haiti ayaa waxaa tobaneeyo sano ka taagan rabshado isugu jiro dilal baahsan , afduub iyo lacago baad ah oo ay qaadanayaan kooxo hubeysan oo ay dagaal kula jiraan ciidamada wadankaasi.
Horraantii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay in Haiti loo diro howlgal nabadsugid oo ay ka qayb qaadanayaan dalal ay Kenya hoggaaminaysa si booliiska Haiti garab loogu siiyo inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top