skip to Main Content

Nairobi_ Gaari Gaas siday oo Qarxay Aya sababay dhimasho iyo Dhawaac

By Ayanle Dhiire 

Waxaa lagu soo warramayaa in saddex qof ay dhinteen halka in ka badan 270 kale ay dhaawacyo soo gareen ka dib markii uu qarxay gaar xamuul ah oo ay ka buuxeen gaaska cunnada lagu karsado oo ku sugnaa aaga Mradi ee xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 11-kii habeenimo ee xalay.
Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura ayaa sheegay in saddexda qof ay dhinteen iyagoo lagu daweynayo isbitaalka Nairobi West Hospital.
Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka qaran ee Kenyatta iyo isbitaallada kala ah Mama Lucy, Modern Komarock iyo Nairobi West Hospital.
Isaac Mwaura ayaa sheegay 160 ka mid dadka dhaawacmay lagu dabiibaya isbitaalka Mama Lucy Hospital.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in guryo aagaasi ku yaalla uu dabka ka dhashay gaaska saameeyay, halka gawaari dhowr ah ay gubteen.
Ilaa saaka waaberigii shaqaalaha dab damiska ayaa la tacaalayay sidii ay damin lahaayeen dabkaasi.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa dhawaaqiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan caasimadda dalka ee Nairobi.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top