skip to Main Content

DEG DEG: Guddiga Doorashada FEIT oo shaaciyey magaalada loo wareejiyey doorashadii Garbahaarey

By Abdinajib Abdullahi

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaarayMarkuu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalo Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay Caqabadaha Amni ee ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Wada uu intaas ku daray in guddiga go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada garbahaareey.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal uu gudiga soo saray

 

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top