skip to Main Content

Suurta-gal ma tahay in kursiga Fahad Yaasiin lagu daro kuraasta la fasaxayo?

By Abdinajib Abdullahi

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedeeraal Muuse Geelle iyo xubno la socda ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay, halkaas waxaa jooga 74 mudane oo kamid ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo diidan sida uu guddiga u wajahayo gunaanadka doorashada, gaar ahaan 3 Kursi oo maamulkaan looga dhagay.

Guddiga doorashada waxaa socda cadaadis caalami ah oo la xiriira inay Kuraastaan fasaxaan si aysan doorashada usii daahan.

Muuse Geelle wuxuu u socdaa inay Koonfur Galbeed ka wada hadlaan xalka kuraasta sida uu guddiga xaqiijiyey.

Laba doodood ayaa aad ugu dhow mira dhal, mid waa in saddexda kursi ee maamulkaas la wada fasaxo midna waa in laba kursi la fasaxo kursiga kalana doorashadiisa lagu laabto.

Guddigaan taageero badan kama heysto Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha maamulkaan Cabdicasiis Laftagareen wuxuu dhawaan sheegay in guddigaan laga qaaday madax banaanidii, isagoo xafiiska Ra’iisul Wasaaraa ku eedeeyey inuu xataa akoonadii baraha bulshada ee guddiga la wareegay.

Laftagareen waxaa si weyn cadaadis u saarayo safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, maadaama Ingiriiskaa uu mashaariic badan ka taageero Koonfur Galbeed.

Safarka maanta ee guddoomiyaha guddiga doorashada ee Baydhaba ayaa xubnaha qaar rajo ka muujiyeen, laakiin walaaca qarsoon wuxuu yahay in dhinaca Villa Somalia ku cadaadinayaan Laftagareen in dooda lagu daro Kursiga Fahad Yaasiin.

Kursigaas oo HirShabelle laga soo doortay ayaan wax difaac ah ka heysan maamulkiisa oo weli ku mashquulsan gunaanadka doorashada.

Fahad Yaasiin wuxuu dhawaan dacwad u qortay Maxkamadda Sare ee Dalka isago rabo inay kursigiisa fasaxdo. Maxkamadda waxay qoraal u dirtay garyaqaanka guud ee Dowladda, qoraalkas oo ay ku dalbaneyso jawaab Laba maalin ah, laakiin xafiiska garyaqaankaa guud wuxuu dalbaday waqti dheeri ah, dacwadda oo lasoo dhameystiro iyo inuu wareysto guddiga lasoo eedeeyey.

Sharci yaqaanada waxay sheegayaan in arrintaasi ay muddo qaadan karto. Maadaama uu Fahad Yaasiin dacwad aaday kuraasta hadda la rabo in xal siyaasi ah laga gaaro laguma dari karo ayey ku doodayaan qaar kamid ah sharci yaqaanada.

Guddiga doorashada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble waxay heystaan sabab ay kursigaan dib ugu sii dhigi karaan, maadaama uu kursigaasi aaday dhanka sharciga iyagoo fasixi kara seddexda kale.

Baydhabo waxaa weli ku sugan hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoo Qoor), kaasoo lagu eedeenayo inuu xal u raadinayo kursiga Fahad Yaasiin.

Haddii Koonfur Galbeed loosoo bandhigo xal ku kooban Kuraasteeda ma cadda inay diidi doonto iyadoo Fahad Yaasiin u raadineysa xal, laakiin waxaa qarsooneyn inuu cadaadis ku socdo.

Kursiga ugu dhibka badan ee goobta yaala waa Kursiga Fahad Yaasiin, kaasoo dagaal siyaasadeed dhexda uga jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa way adag tahay in lagu qanciyo inay kursigaan ka fuqaan, walow ay wajahayaan cadaadis caalami ah oo dalbanaya in dhammaan kuraasta la fasaxo iyo in doorashada deg deg lagu soo afjaro.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top