skip to Main Content

DENI oo tallaabo CULUS qaaday kadibna sameeyay..

by abdinajib abdullahi

Garoowe (Boundless media)_
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo qaaday tallaabo culus ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis deg deg ah, kadib wareegtooyin uu soo saaray.

Deni ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isaga oo dhammaan xilalkii ka qaaday guddoonkii hore ee gobolkaasi oo ay haatan ka jirto xiisad siyaasadeed oo xoogan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir).

Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta isbeddalkan loo sameeyay ay tahay baahi loo qabo dardargelinta maamulka gobolka Nugaal, si horay loogu wado howlaha maamulka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in xubnaha cusub ee la magacaabay lagu xushay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo oo ay leeyihiin.

“Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal, Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
  2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal
  3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri wareegtada.

Waxaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu isna waxaa loo magacaabay Cumar Cismaan Saciid, sida lagu sheegay wareegto kale oo ay soo saartay madaxtooyada.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa isbeddal ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag.

Gaashaanle Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha guud ee Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal. Waxaa isna G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal isna loo beddalay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar.

Waxaa sidoo kale Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag, halka Gaashaanle Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Puntland haatan ay wajaheyso xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo shaki ay ka qabaan mucaaradka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top