skip to Main Content

DF oo shaacisay khasaaraha WEERARKII Masagawaa

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless mdia) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kaas  oo ay Al-Shabaab ku qaadaay deegaanka Masagawaa ee Galgaduud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ay ka war hayeen dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen weerarka ay ku soo qaaday gudaha deegaankaasi.

“Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay in howlgalkan guuleystay ay dishay in ka badan 30 kamid ahaa xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale oo ay intaasi ku sii dartay in ciidamadu ay la wareegeen saddex gaari oo ay wateen ragga duulaanka ku soo qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

“Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale” ayey tiri dowladdu.

Dhankeeda dowladdu waxa ay shaacisay in weerarkan ay uga dhaawacmeen ugu yaraan illaa 3 askari, isla-markaana ay haatan xaaladoodu ka soo raynayso.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay “Waxaa socda hawlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijtii la jabiyay”.

Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top