skip to Main Content

DF Soomaaliya oo shirka Tanzania kaga faantay arrin fadeexad culus ay ka dhalatay

Dar Es Salaam (Boundless media) –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hadal ka jeediyay shir-madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda aadanaha ee ka furmay magaalada ee dalka Tanzania.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in iyada oo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku hor-gudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, islamarkaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehliya shirkaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada iyo masuuuliyiin kale.

Arrinta macallimiinta ee ra’iisul wasaaraha kaga faanay shirka ayaa waxaa dul hoganeysa fadeexad xooggan, kadib markii maamulka HirShabeelle uu musuq-maasuqay macallimiinta maamulkaasi la siiyay, ayna leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle.

Inkasta oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay beenisay fadeexaddaasi haddana sida ay horay usoo dusiyeen saraakiil HirShabeelle ah, kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle.

Xogtaas oo ay heshay Boundless media ayaa tibaaxeysa in boosaskaas lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada HirShabeelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta.

Dad badan ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taasi oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe.

Hase yeeshe waxaa la dafiri karin in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamza ay dadaal badan galiynayso tayeynta waxbarashada dalka, inkasta oo ay weli u dhiman tahay shaqo badan oo ay tahay in si deg deg ah wax looga qabto.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top