skip to Main Content

Doorashada aqalka sare oo gobollada Waqooyi oo xaalad cakiran ka taagan tahay

by abdinajib abdullahi
Gudodomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay inuu Shacabka Soomaaliyeed u gardhiganayo ka dib markii Siyaasiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ku Heshiin waayeen arrimaha Guddiga Doorashooyinka taasoo Keentay inuu arrinta Soo Faragaliyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uuna Baabi’iyay doorashadii ay labada Garab ku doorteen labo guddoomiye.
Arintaan Ayaan imaanaysa ayadoo dalka Soomaaliya doorashooyin loo Jiheeyay ka dib heshiiskiii dhanka doorashada ahaa ee ay gaareen madaxda Wadatashiga qaranka oo kala ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaan 29 bishii hore deegaannada Maamul Goboleedyada ka bilowday doorashada Xubnaha aqalka Sare oo Maamulka Jubbaland noqday kii bilaabay halka Koonfur Galbeedna Maamulkii labaad oo Xubnaha aqalka sare doortay uu noqday.
Ayadoo gobolada Qaar ay ka socoto doorashada aqalka sare ayaa waxaa hadan soo shaacbaxay Muran kale oo doorashooyinka ku gadaaman maadaama aan wali wax xal ah laga gaarin Khilaafka doorashada Gobolada Waqooyi oo qayb ka ahaa waxyaabihii markii hore la isku hayay waxaan dhowr mar Guul daraystay wada hadalo uu garwadeen ka ahaa ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kuwaasoo la isku soo horfariisiyay Gudoomiyaha aqalka Sare iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi maxamed gulled.
Sida ay sheegayaan dadak siyaasadda Falanqeeyay arinta ayay ahda Suuragal tahay in laga Xukmin doono danahooda isdiidan maadaam ay khasab tahay inay doorashadu dhacyado ayaguna xal keeni waayeen ay isku raacsan yihiin.
Ra’iisul wasaaraha oo kulan la qaatay guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa ku wargaliyay in la baabi’iyay guddoonkiii ay horay u doorteen wuxuuna sheegay inuu dadaal badan ku bixiyay arrintaan xalkeeda balse aan la gaarin.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top