Skip to content

Doorashadii iyo Hanti dhawrka dhaqaalaha magaalada Portland

Ridwan Ali

Sagaal musharax ayaa ku guulaystay kuraas ka tirsan gudiga axdiga sare ee Portland doorashadii ka dhacday meeshaas talaadadii, taasna kordhinaysa isbadal suurto gal ah lagu sameeynayo dawlada gobalka Maine, sida duqa magaalada lasiin doono awood xoogan.

Sagaalkaas qof ee ku guulaystay doorashada, halka shan qof oo ka mid ah laga soo doortay degmooyinka golaha deegaanka iyo afar kursi kale oo kuraasta balaadhan ah. Halkaas ay kula biirayaan sadex kale oo xildhibaanada magaaladu aya soo xuleen, halkaasna ay ka shaqeynayaan sanadka soo socda dib u eegista axdiga. Sida ku xusan Bangordailynews 9,000 ku dhawaad ay codeeyeen malintii talaadada.

Magaalada Portland Maine ayaa adeegsaray hub codbixina oo cusub markii ugu horeysay daarikhda Maine si loodoorto musharaxayaasha. Sadexdii kursi ugu horeysay waxaa ku guulaystay Nasreen Sheikh-Yousef, Marpheen Chann iyo Catherine Buxton. Halka kursigii afaraad waxaa ku guulaystay Patricia Washburn.

Musharaxiintii la doortay maalintii talaadadii waxay muujiyeen inay taageersan yihiin kordhinta awoodda duqa magaalada, inkastoo ay ka soo horjeedaan duqa magaalada in uu shaqaaleysiiyo ama shaqada ka’eryo. Wixii soo kordha kala soco baraha bulshada ee BoundlessMediaSomali.

Back To Top