skip to Main Content

Dowladda Itoobiya oo baaraysa meydad laga helay Zambia

By Abdinajib Abdullahi

Dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay baaritaano ku sameyn doonto meydadka 27 qof oo ka mid ah muwaadiniinteeda kuwaasoo lagu arkay dalka Zambia.
Meydadkan ayaa la soo dhigay meel u dhow caasimadda Zambia ee Lusaka waxaana walaac ka muujisay hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM.
Axaddii ayay ahayd markii ciidanka booliiska ee dalkaasi ay sheegeen in meydadka laga helay aagga beeraha loo yaqaano Chongwe Ngwerere ee ku yaalla duleedka caasimadda.
Waxaa ay booliiska Zambia intaasi ku dareen in la rumeysan yahay in 27-da qof ay ahaayeen soo galooti dhalasho ahaan ka soo jeeda Itoobiya oo geeriyooday xilli ay isku dayayeen inay si sharci darro ah gudaha ugu galaan Koonfur Afrika.
Wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya ayaa ku warramaysa in khuburro loo diri doono halka meydadka lagu arkay si ay xaqiijin dheeraad ah u sameyaan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top