skip to Main Content

Wasiirka isgaarsiinta oo baaq u diray ganacsatada

By Abdinajib Abdullahi

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta , warfaafinta , tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha dijitaalka ah , Eliud Owalo ayaa ganacsatada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan xarumaha casriga ee laga hirgelinaya qaybaha kala duwan ee dalka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ismaamulka Nairobi gaar ahaan suuqa Wakulima ku daahfuray adeegga intarneetka ee WIFI oo si bilaash ah lagu isticmaali karo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in adeeggan oo kale laga hirgelin doono dhammaan ismaamullada dalka tani oo looga gol-leeyahay dardargelinta horumarka wadanka.
Owalo ayaa laga soo xigtay in dowladda dhexe ay qorsheynaysa inay sameyso 25,000 oo xarumahan intarneetka ah.
Wakulima Market ayaa ah suuqa labaad ee Nairobi oo laga hirgeliyay adeegga intarneetka waxaana ka sii horreeyay suuqa City Market .

xaquuqda weydhowrantahay :Boundless media

Back To Top