skip to Main Content

Dowladda oo sheegtay in kaarka aqoonsiga qaran lagu soo saari doono 21 maalmood

By abdinajib abdullahi

kenya(Boundless media)_Xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya in kenyaanka codsada kaarka aqoonsiga qaran ee loo yaqaano ID-ga ama kibaandhaha loogu soo saari doono muddo 21 cishe gudaheeda oo maalmo shaqo ah.
Waxaa uu xusay in dowladda ay go’aan satay in muwaadiniita loo fududeeyo inay helaan adeegyo muhiim ah oo ay ku jiraan aqoonsiga qaran iyo dukumentiyada kale.
Hadalkan ayuu xoghayaha ka sheegay deegaan baarlamaaneedka Lafey ee ismaamulka Mandera oo uu uga qayb galay furitaanka xafiiska hay’adda CRS ee qaabilsan bixinta shahaadooyinka dhalashada iyo kuwa dhimashada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Mr.Julius Bitok uu shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya shacabka codsada shahaadooyinka dhalashada iyo kuwa dhimashada loogu soo saari doono hal cishe gudaheeda.
Heerka diiwaangelinta shahadooyinka dhalashada ee ismaamulka Mandera ayuu xoghayaha ku sheegay boqolkiiba 13 halka kuwa dhimashada ay tahay 6.
Waxay tani ka dhigan tahay in dowlad deegaanka Mandera uu ugu hooseeya heerarka adeegyadan ee dalka.
Heerka diiwaangelinta shahadooyinka dhalashada ee guud ahaan wadanka ayaa hadda ah boqolkiiba 86, halka kuwa dhimashada ay tahay boqolkiiba 55.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top