skip to Main Content

Ergada qaran ee Jubilee oo berri kulan yeelanaya

by abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)_Waxaa uu qorshuhu yahay inuu berri qabsoomo shirweynaha ergada qaran ee xisbiga Jubilee ee NDC.
Madaxweynihii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha Jubilee Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in shirka uu ka dhici doono aagga Ngong Racecourse ee ismaamulka Nairobi.
Uhuru ayaa hoosta ka xarriiqay in goobta ay ku shirayaan xubnaha NDC la beddelay ka dib markii laga hor istaagay inay isticmaalaan Bomas of Kenya .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu khilaaf siyaasadeed oo dhanka hoggaanka ah uu ka dhex jiro Jubilee waxaana ugu dambeeyay in garabka ay hoggaamiyaan Kanini Kega iyo Sabina Chege ay xisbiga ka saareen xoghayihii guud Jeremiah Kioni iyo guddoomiye ku xigeenkii Jubilee David Murathe.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top