skip to Main Content

Ethiopia oo war kasoo saartay diyaaradii laga celiyay Somaliland

Addis Ababa (Boundless media) – Itoobiya ayaa xaqiijisay in hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ka soo degi laheyd garoonka diyaaradaha Hargeysa, xilli Somaliland ay isku deyday beeninta jiritaanka arrintaan.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaaradaasi oo ay iska laheyd shirkadda Ethiopia Airlines.

Waxa uu sheegay in diyaaraddan oo duulimaad lambarkeedu ahaa ET372 aysan ogolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in ay dib ugu laabato Addis Ababa, kadib markii hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay ka celisay hawada.

Inkasta oo Mesfin Tasew aanu faah-faahin ka bixin rakaabkii saarna diyaaraddan oo la sheegay inay aheyd VIP, haddana wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, islamarkaana loo diiday inay gasho Hargeysa.

Wada-hadal kadib, diyaaraddu waxay sii waday safarkeeda meel aan la shaacin, sida uu BBC-da u sheegay Mesfin.

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa saaka xaqiijisay celinta diyaaraddan, iyada oo sheegtay in aanay ogolaan doonin in diyaarad aan ruqsad haysani soo gasho dhamaan xuduudaha hawo ee waddanka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay maanta hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadsa Ethiopian Airlines, oo ku socotay Hargeysa, kadib markii ay cadaatay in aanay diyaaradaasi haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda duulista.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Si waafaqsan shuruucda caalamiga ee hawada iyo kuwa Soomaaliya ee SOMCARs, duulimaadyadu waa inay fasax (ruqsad) ka haystaan waddamada ay hawadooda marayaan iyo kuwa ay ku dagayaan kahor inta aanay soo duulin.”

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay xiisadda xooggan ka dhex aloosan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo salka ku haysa xad-gudubka bareerka ah ee Itoobiya kula kacday madax-banaanida Soomaaliya, kadib markii ay Somaliland la saxiixatay heshiis beeneed ay ku dooneyso dhul badeed dhan 20KM.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top