Skip to content

Faah faahinno ayaa ka soo baxaya Qarax caawa fiidkii ka dhacay muqdisho

By isxaaq Rashiid Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho,waxaana wararka aan helnay ay xaqiijinayaan in qaraxu uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo lagu xiray qaraxa.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay dab sida dad goob joogayaal ah ay noo xaqiijiyeen sababay in ay qarax labaad sameeyaan Haamo Shidaal oo ay isticmaalayeen goobo ganacsi gaar ahaan Maqaayado ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay,Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Goobta waxaa xiray ciidamada dowladda oo dadka u diidaya inay ka ag dhawaadaan goobta qaraxa.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top