skip to Main Content

Shir laga yeeshay amniga gobolka Hiiraan

By isxaaq Rashiid Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabelle Yuusuf Ahmed Hagar (Dabageed) ayaa Shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa shirka Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufurow, Saraakiisha Ciidamada ATMIS Sector Four iyo saraakiisha Ciidamada Booliiska Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa sheegay Ahmiyadda ay leedahay in laga shaqeeyo xasiloonidda iyo nabadda guud ahaan magaalada Beledweyne.

Shirkaan looga hadlayay Amniga Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilki ay Magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, balse uu diiday, waxaana garab taagan Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top