skip to Main Content

Faahfaahin ka soo baxaysa dad ku dhintay weerar ka dhacay Mandera

Abdinajib Abdullahi

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar ay dablay hubaysan oo loo malaynayo kooxda Al-Shabaab shalay ka fuliyeen dowlad deegaanka Mandera gaar ahaana deegaanka Bohol eleven oo hoostagta magaalada Ceelwaaq.

Dablayda ayaa dab qabadsiiyay gaari nooca is rogaha ah ama ka mid ah baabuurta xamuulka ee qaada carrada iyo dhagxaanta.

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha oo ka warbixiyay weerarka ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku nafwaayay weerarka.
Waxaa uuna sheegay in gaari kale oo qaad waday oo ay dablayda rasaas ku fureen balse uu darwalka isku dayay inuu ka cararo mid ka mid ahna kooxda weerarka gaystay uu jiiray.

Kooxda weerarka ka gaystay Mandera ayaa afduubatay darawalkii kaxaynayay baabuurka xamuulka iyo wiil la shaqaynayay.
Mr Onesmus Kyatha ayaa sheegay in ciidamada ay bilaabeen howlgalo lagu beegsanayo raggii fuliyay weerarka.

Wixii faahfaahin oo dheeraad ah ee ka soo baxa dib ayaa laga soo sheegi donna.

Back To Top