skip to Main Content

Ismaamullo ay ka mid yihiin kuwa waqooyi bari ee dalka kenya oo laga sameyn doono tallaalka jadeecada

Abdinajib Abdullahi

Wasaaradda caafimaadka ee dalka kenya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa hay’ado ay ka mid tahay UNICEF tallaal ka dhan ah cudurka jadeecada laga fulin doono 22 ismaamul.

Dowlad deegaanadan ayaa kala ah Garissa, Wajeer , Mandera Baringo, Bomet, Bungoma, Elgeyo, Homabay, Kakamega, Kilifi, Kisii, Kisumu, Elgeyo Marakwet, Migori, Nairobi, Narok, Samburu, Tana River, Trans Nzoia, Turkana, Vihiga iyo galbeedka Pokot.

Ololahan ayaa socon doono muddo 10 cisho ah laga billaabo 26-ka bishan lixaad oo ku beegan Sabtida.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in tallaalka uu yahay mid si lacag la’aan ah carruurta loo siinaya. Waxay intaasi ku dartay in muddo hal sano gudihii ah jadeecada laga soo tabiyay in ay ka dillaacday ismaamullada Mandera, Wajeer, Garissa, West pokot iyo Tana River.

Waxaa tallaalka dhawaan billaabanaya lagu bartilmaameedsanayaa carruurta ay da’doodu u dhexeyso sagaal bilood ilaa 5 sano oo tiro ahaan dhan 3.5 milyan .
Barnaamijkan waxaa dowladda dhexe uga baxaya qarash gaaraya 800 oo milyan oo shilin sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalka.

Dr. Mercy ayaa intaasi ku dartay in tallaalka ka dhanka ah jadeecada laga bixin doono dhammaan xarumaha caafimaadka ee 22-ka dowlad deegaan. Sidoo kale waxay sheegtay in ololaha uu soconaya iyada oo si buuxda loo ilaalinaya xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.

25-ka bishan ayaa lagu wadaa in ismaamulka Kajiado lagu daahfuro tallaalka lagula dagaalamaya xanuunka jadeecada.

Dr. Mercy Mwangangi ayaa shaacisay in ugu yaraan 16,000 oo ah howlwadeenada caafimaadka ay tallaalka ka fulin doonaan 5,061 xarumood. Xarumahan waxaa ka mid ah suuqyada , dugsiyada , kaniisadaha, masaajidda iyo goobaha kale ee ay bulshadu ku kulanto.

Dr. Mwangangi waxay waalidiinta ka codsatay in ay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ayna carruurtooda geeyaan goobaha tallaalka.

Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in go’aanka la xiriira tallaalka ka dhanka ah jadeecada la qaatay ka dib markii warbixin ay qayb ka ahayd hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO lagu ogaaday in carruurta ku nool 22-ka ismaamul ay halis sare ugu jiraan cudurka.

Back To Top