By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Faarax Macallin oo dowladda ugu baaqay inay wax ka qabato abaaraha ka jira gobolka waqooyi bari
By Abdinajib Abdullahi
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa Faarax Macallin ayaa dowladda ugu baaqay inay caawiso dadka ay abaartu saameysay.
Waxaa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ismaamullada oomanaha iyo xoola dhaqatada ah oo uu sheegay in saameynta abaarta awgeed ay dad badan ku waayeen xoolahoodii.
Xildhibaanka ayaa ku eedeyay dowladihii hore ee dalka soo xukumay inay marwalba ka gaabin jireen marka ay timaado arrimaha gurmadka abaaraha iyo ka hortagooda.
Faarax macallin oo wareysi siiyay taleefishinka maxalliga ah ee Citizen ayuu ugu baaqay dowladda inay xal waara u hesho arrimaha abaaraha si gaar kuwa ka jira gobolka waqooyi bari ee dalka.
Dhanka kale waxaa uu dowladda ugu baaqay in ilaa 10 milyan oo hektar oo dhul ah oo sida uu sheegay ay dad kooban gacanta ugu jiraan dib ugu celiso shacabka Kenyaanka ah.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda laga doonayo inay biyo geliso dhulalka ismaamullada oomanaha ah si dadka halkaasi degan ay uga faa’iidaystaan.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media