skip to Main Content

Farmaajo oo Ka hadlay dagaalada ka socda Magaalada Laascaanood

By Abdinajib Abdullahi

Lascaanood (Boundless media)

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee dhexmaraya ciidamada Somaliland iyo ciidamada degaanka ee SSC

Farmaajo ayaa xusay inuu murugada la qeybsanayo ehelada iyo qoysaska dadka ku naf waayey dagaalka Laascaanood.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, aniga oo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa. Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay.”

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa ku baaqay in la joojijo colaada, isagoo xusay in shacabkaa Laascaanood aysan xamili karin colaado iyo dagaalo sokeeye.

“Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayey colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Farmaajo oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa sii kordhaya baaqyada loo jeedinayo dhinacyada isku haya, kuwaasoo ka imnaya qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa ku soo aadaya xili maalintii ay dagaalo culus ka socdaan magaalada Laascaanood, kuwaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top