skip to Main Content

Somaliland: “Argagxiso ay Puntland la socoto ayaa saaka mar kale na soo weeraray”

By Abdinajib Abdullahi Somaliland(Boundless media)

Maamulka Somaliland ayaa ka hadkay dagaal saaka mar kale ka qarxay Magaalada Laascaanood kaasoo dhexmaraya ciidankooda iyo kuwa degaanka SSC.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka aroortii ay ciidankooda jooga Laascaanood weerar ku soo qaadeen kooxo ay ugU yeertay argagaxiso taageero ka helaya Maamulka Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN

WAR-SAAFADEED:

Hargeysa-07-02-2023-Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo mar labaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood  kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.

Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Puntland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Puntland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.

Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Puntland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.

DHAMMAAD

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top