skip to Main Content

Golaha Midowga Murashaxiinta oo ka horyimid habraaca doorashada

by abdinajib abdullahi
Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inay diideen habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka.

Midowga Murashaxiinta ayaa qoraal ay soo saraeen ku sheegay inay si gaar ah u didian yihiin qodobbada habraacaas ee la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Murashaxiinta.
“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”
“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Goluha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid “dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay,” wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

“Goluhu wuxuu ku adkaysanayaa in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah, taas oo ah dan qaran oo masiiri ah, kana gudubsan danta tartame kasta ee xilliga dhaw,” ayey ku dhaheen qoraal ay so sareen

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top