skip to Main Content

Gorham oo qirtay dambiga laguso eedeeyay ee ka dhashay rabshadii 6 dii Janaayo

Ridwan Ali

Ninkan reer Maine ah ee laguso oogay dacwado ka dhan ah inuu ku lug lahaa weerarkii 6 dii Janaayo lagu qaaday xarunta Maraykanka ayaa qiranaya inuu san wax dambi ah ku lahayn eedayntaa, isagoo kasoo muuqday maalintii isniinta ahayd maxkamada degmada Maraykanka ee Wishington D.C.

Nicholas p. Hendrix 34 Gorham oo wajahaya afar dacwadood oo dambi ah kuwaasoo ka dhan ah kacdoonkii khatarta galiyay nokosha xubnaha koongareeska iyo sidookale madaxwayne ku xigeenka Maraykanka.

Hendrix aya waxuu wajahayaa dacwado federaal ah oo ka dhashay rabshadaha aya wuxu kamid yahay 400 ok qof oo laguso oogay dacwad kuwaasoo lagasoo gudbiyay sawiro iyo fiidyawyo.

Sawiro kujira faylasha maxkamada ayaa muujinaya in Hendrix uu kamid ahaa boqolaal rabshad waday oo xoog ku galay dhismaha xarunta islamarkaana isku dayay inay la dagaalamaan saraakiisha sharci fulinta oo isku dayayay iany ka hortagaan rabshadaha waxyeelaynaya xubnaha golaha.

Guurtida iyo xubnaha golaha ayaa maalintaa iskugu yimid si’ay uxaqiijiyaan natiijada doorashada madaxwaynaha.

Wakiilka gaarkee FBI Kristina. Troxel, ayaa dacwad ciqaabeed aysoo gudbisay kusheegtay in booliska caasimadu ay meelaha ku xidheer kaamerada wareegta taasoo muujinaysa in Hendrix uuku jiray gudaha xarunta ilaa hal daqiiqo iyo 23 ilbidhiqsi meel ku dhaw albaabka xarunta, Hendrix ayaa kaso muuqanaya isagoo xidhan funaanad, koofiyad, saacad leh midabka calanka Maraykanka iyo muurayadaha barafka.

Qofkii ugu horeeyay ee lagusoo oogo dacwad la xiriirta rabshadihii ayaa ahaa Kyle Fitzsimon. 34, lubnaan oo la xidhay bishii febraayo, sido kale nin reer Georgia ah oo asal ahaan kasoo jeeda Minot, Glen Mitchell, “Mitch” simon, ayaa isagana dacwad lagusoo oogay, halkaasoy labaduba qirteen dambiyadii lagusoo eedeeyay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top